FIKRAD: Daaficii Manchester United Rio Ferdinand Oo Sheegay Laba Sabab Oo Kooxda Barcelona Ay Kaga Liidato Sidii Hore

Daaficii hore ee kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa ka yaabay kooxda Barcelona kadib markii xaley laga reebay tartanka Champions League ,waxaana uu sheegay in Barcelona laba sabab looga reebay Champions League.

20 sano kadib kooxda Barcelona ayaa sanadkii 2015 weeysey Xavi Harnandez kaasi oo muhiim u ahaa kooxdiisa waxaana halyeeygaasi uu kooxdiisa ka caawiyey wax badan.

Xavi iyo Iniesta waxaa ay ahaayeen labada  kaliya ee kooxda BArcelona dhexda u maamulayeen waxaaana ay kooxdaan ka caawiyeen wax badan mudaddii ay joogeen.

Rio waxaa uu sheegay in kooxda MAncehster United ay u oomantahay xidigo sidaasi oo kale waxaana uu wali aminsanyahay in kooxda Barcelona ay buuxiso boosaskaasi.

”Marka ay heeysteen ama ay isticmaalayeen Xavi iyo Iniesta waxaa ay kooxda ahayd mid xasiloon, waxaa ay heeysan jireen kubada  , waa ay wali sidaas oo kubada waa ay heeystaan ileen waxaa jooga Iniesta walina waa 30 sano jir,” Rio Ferdinand ayaa sidaa  u sheegay BT Sports.

”Waa ay ku tijaabiyaan marka hore, waxaana ay adeegsadaan awood jireed,” ayuu xidigaan u sheegay saxaafada.

Juventus ayaa tartanka Champions League ka reebtay kooxda Barcelona waxaana kooxda Marwada duqda laga yaabaa in muddo kadib soo gaba gabeeyso abaarta koobkaan.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: