Fariimaha Jaceylka Ee Rasullka CSW Inoo Reebay, Ninyahoow Dha-dhansii Xaaskaaga,Waa Hubaal Jaceylkaada Ayay La Ilmeyneysaa

Rag badan ma garanayaan sida xaasaskooda jaceylka loo dhan dhansiiyo jaceylka

Hadaba kaalay ninyahoow oo ka baro Rasuulkeena suuban CSW sida xaasaskiina isu jecleysiin kartiin idinka oo qaadanaya fariimahaan jaceyl ee uu Nabi Maxamed CSW u diri jiray xaasaskiisa.

Ka hor inta aanan dhihiin fariin jaceyl waxaad ogataa in jaceylka uu weyneeyno guriga yar , waa kan gurigii Caa`isha RC oo ka koobanaa 5*3 mitir balse waxaa uu ahaa guri lagu balaariyay jaceyl .Sidoo kale waxaan oran karnaa inkastoo Nabiga CSW uu aad ugu mashquulsanaa fidinta dacwada islaamka hadana kama aysan hor istaagin arintaas in xaasaskiisa u diro fariimaha jaceylka waxaana soo qaadeynaa ilaa farriin

Fariinta Koowaad.

Caa`isha RC waxa ay leedahay waxaan wax ka cabayay dheri aniga oo caadadii qabay , waa kan Nabiga CSW oo iga qaadaya dherigii isla markaana ka cabayay meeshii aan ka cabayay ee uu afka ii saarnaa ninyahoow miyaysan arintaan aheyn fariin jaceyl ee uu NABIGA CSW uu gaarsiinayay xaaskiisa .

Fariin Jaceyl Oo Kale.

Mar kale Caa`isha RC waxa ay leedahay , waxaan cunayay laf helib ah ka dib ayuu rasuulka CSW in uu iga qaaday ayuu afkiisa saaray meeshii aan ka cunayay , ninyahoow miyaysan aheyn fariin jaceyl.

Sidoo kale gabagabadii noloshiisa gaar ahaan Xajatul Wadaac ayay xaaskiisa Safiya waxa ay saarneed geel yar oo aan laheyn awood badan dadkii socdaalka ahaa ayay ka dib martay waxa ayna ahaayeen boqol kun .

Suura gal waa ay aheyd in uu nabiga CSW qof u diro oo soo kor meera balse isaga ayaa aaday markii ay aragtayna waxa ay la boorartay oohin waa kan Nabigeena CSW oo gacantiisa uga tiraya ilinta

Ogaaw marka uu arintaas sameynayay Nabiga CSW waxa uu ahaa 60-sano jir hadana qalbigiisa waxaa ka buuxay kalgaceyl uu kula dhaqmayo xaaskiisa , ninyahoow qalbiga adag adna xaaskaada oo ilmeneysa ayaad ka tagi laheyd adiga oo aan weydiin waxa ka oohisiiyay.

Ninyahoow xaaskaada dhahdhansii naxariista jaceylka , kuna eeg eegmo jilicsan oo taabasho naxariis leh u samee ,Halkaan Ka Sii Dhameystiro Qodoabada Kale 

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdulrazzak says:

    Good waa fariimo wcn اللهم صلي علي سيدنا محمد




.








%d bloggers like this: