Saturday 25 November, 2017

Dib U Eegid: Robert Lewandowski Iyo Shabaqa Real , Ugaar Bisil Ayay U Tahay , Imisa Gool Ayuu Ka Dhaliyay?

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich u dhaliyay goolka 1-aad kulankii ay la ciyaaraysay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league.

Robert Lewandowski ayaa daqiiqadii 53-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta rikoor u badalay goolka 1-aad ee kooxdeeda kadib qaab ciyaareed aad u fiican oo ay xiddigaha Bayern Munich.

Xiddigan ayaa taariikhda Champions league ku galay goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid isaga oo noqday xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxda Real Madrid.

Robert Lewandowski ayaa goolka kooxda Real Madrid soo taabtay 6 jeer intii uu ka hor yimid kooxda difaacanaysa tartanka champions league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment