Dib U Eegid : Messi Oo Axada Baacsanaya Arin Sedex Sano Uu Ku Fashilmay In Uu Ku Sameeyo Real Madrid

Messi ayaa galaya bishii 37-aad ee uusan wax gool ah ka dhallin goosha Real Madrid waana ku dhawaad sedex sano

Messi oo ah gool dhaliyaha taariikhiga ee El Clasico ayaa kooxdaas Real ka dhaliyay 21 gool ka dib 31 kullan balse kulamadii ugu dambeeyay wuu ka lumay wadada loo maro goosha Real

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in gooshii ugu dambeysay ee uu Messi ka dhaliyo Real waxa ayna aheyd 23-kii March ee 2014-kii xilligaas oo uu sedexleey dhaliyay waxaana lagu ciyaarayay garoonka Real iyadoo Barca ay waqtigaas ku badisay 4/3

waxaana Barca macalin ahaa Tata Martino

Tan iyo mudadaas waxa uu Messi ka qeyb galay 6 kullan oo El Clsasico ah wax goolna kuma dhallin waxaana 5 ka mid ah kulamadaas Barcelona hogamainayay tababare Luis Enrique

Messi ayaa haatan rajeynaya in abaartaas uu soo afjaro soo taabto shabaqa Real Madrid

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. zir smak ak says:

    waxba kama jiran arintaasi

  2. Shakir says:

    4 iyo 3 dheh




.








%d bloggers like this: