DEG-DEG: Weeraryahanka Man United Ee Zlatan Ibrahimovic Oo Uu Soo Dhamaaday Xilli Ciyaareedkiisii Imisa Bilood Ayuu Maqnaanayaa

Wararka haatan ka soo baxaya ayaa sheegaya in weeraryahanka kooxda Man United Zlatan Ibrahimovic uu garoomada ka maqnaan doono muddo 9 bilood ah kadib dhaawac xun oo ka soo gaaray muruqa.

Weeraryahanka kooxda Man United ayaa la filayaa in uu seego kulamada ka harsan xilli ciyaareedkan kadib dhaawac ka soo gaaray kulankii xalay ay ugu soo bexeen wareega 4 dhamaadka Europe League.

Zlatan Ibrahimovic

Wariyaha caanka ah ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in uu xiddigan qaliin mari doono maalmaha soo aadan isaga oo sidaas ku seegi doona kulamada u harsan kooxdiisa man United.

Warkan ayaa ah mid u Xun Man United maadama uu xiddigan ahaa xiddiga ugu goolalka badan kooxda xilli ciyaareedkan isaga oo u dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan.

Xiddigan ayaa xalay garoonka laga saaray kadib markii uu dhaawacmay daqiiqadii 91-aad taas oo la macno ah in aanu xiddigan garoomada ku soo laaban doonin ilaa bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: