DEG DEG: Mid Kamid Ah Macalimiinta Maamula Kooxaha England Oo Saacad Markii Uu Socday Tababarka Saakey Geeriyooda,FA , Aston Villa, Tottenham Dhamaan Waa Ay Ka Hadleen

Daaficii hore ee kooxda Aston Villa iyo xulka England Ugo Ehiogu ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha waxaana hada uu ahaa Macalinka da’yarta ee kooxda Tottenham.

44-sano jirkaan ayaa loola cararay isbitaal isagoo gudanaya shaqadiisa Maalinmo kadib markii wadnaha istaagay.

‘’Waxaa ay ahayd arin xanuun badan waxaaan xaqiijineynaa inuu geeriyooday Ugo Ehiogu,’’ ayaa lagu qoray Bogga Tottenham.

Ugo Ehiogu

Kooxda ka dhisan horyaalka Primer League ayaa xaqiijisay in halyeeygaan uu saacad sameeyey tababarka kooxda saakey balse uusan qabinwax tababar ah.

‘’Waxaa ay kooxda murada iyo sidoo kale xanuunka la qeeybsaneysaa qooyskiisa,’’ ayaa sidoo kale lagu daray warbixinta.

Madaxa Tababarada iyo soo saarista da’yarada Tottenham John McDermott ayaa sidoo kale hadalkiisa ‘’Ma xakameeynkarno dareenkeeena, waa murugo, waxaan dareemeynaa cadaadis xoogan, ‘’ ayuu sidoo kale ku daray.

FA England ayaa sidoo kale bartooda Twittter-ka kusoo qoreen dhacdadaadn ,waxaana ay soo direen warqad murugo leh.

England twitter

‘’Waxaan ka xumaanay warka sheegaya dhimashada Ugo Ehiogu, Wax badan ayaa ka xasuusandoonaa.

Ugo Ehiogu

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: