DEG-DEG: Daafaca Kooxda Man United Oo Dhaawac Looga Saaray Kulanka Ay United Haatan La Ciyaarayso Kooxda Anderlecht

Kooxda Man United ayay dhirbaaxo kale ku dhacday kadib markii dhaawac looga saaray kulanka Anderlecht xiddiga daafaca uga ciyaara ee Marcos Rojo kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka Europe League.

Marcos Rojo ayuu dhaawac jilibka ka soo gaaray kadib markii ay isku dheceen xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Eric Bailly xilli ay doonayeen in ay gool badbaadiyaan taas oo keentay lagu badalo daafaca reer Holland ee Daley Blind.

ماركوس روخو يغادر لقاء أندرلخت مصابا

Xiddiga ayaa xitaa awoodi kari waayay in uu lugihiisa kaga boxo kulanka iyada oo markii dambe lagu qaaday qalabka lagu qaado xiddiga dhaawac xun soo gaaro.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Warkan ayaa ah mid aan u fiicanayn taageerayaasha iyo Tababare Mourinho maadama uu xiddigan qayb muhiim ah ahaa kooxda xilli ciyaareedkan.

United ayaa xilli ciyaareedkan ku dhamaysan karta iyada oo haysata hal daafac oo taam ah kaa soo ah Eric Bailly maadama xiddigaha Chris Smalling iyo Phil Jones ay horay dhaawac ugu maqnaayeen.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: