David Beckham Oo Doortay Xidiga Mustaqbalka Dhow Kubadda Cagta Kala Wareegidoono Ronaldo Iyo Messi

Weeraryahankii hore ee kooxda Mancehster Unietd, Real Madrid iyo xulka England David Beckham ayaa ka hadlay in Neymar uu kamid noqondoono xidigaha ugu muhiimsan ee kooxda Barcelona waxaana uu Beckham qabaa in xidigaan uu wax badan kooxdaan kusoo krodhindoono.

Qaar kamid ah taageeriyaasha kooxda Barcelona waxaa ay ku dooodayaan in Neymar uu yahay ciyaaryahan aan wax badan caawin kooxdiisa xilliga muhiimka ah mararka qaar ,waxaana ay sababta inuu yahay xidig gambis badan oo dila kubadaha.

Neymar ayaa Barcelona kusoo biiray 2013 waxaana uu xidigaan inta kuu joogay kooxda la qaaday koobab muhiim ah ee uu ku jiro koobka Champions League.

Ku dhowaad 10 koob Neymar waa uu la qaaday Barcelona , balse wali aan la fahasaneeyn marar qaar in shaqo joogta ah dhexmarto isaga iyo saaxiibadiisa.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Laakiin Bechkam ayaa sheekadasi diiday waxaana uu qabaa in Neymar uu noqondoono dheeyman banaankiisa yaala ”Waxaan aniga ogahay inuuu yahay xidig muhiim ah o ay Barcelona heeysato, wax badan ayuu noqondoonaa isaga,” ayuu sidoo kale Beckham ku daray hadalkiisa.

David Beckham Neymar

”Wey iska cadahay tayadiisa tan iyo markii uu Santos laga keenay  waxaa uu muujinayaa awood ama tayadiisa , waan la dhacaa mar waliba qaabkkisa kubadeed.

Barcelona ayaa ka hartay todobaadkaan tartanka Champions League waxaana Macalin Enrique kooxdiisa ay xooga saaridoontaa Del Rey iyo La Liga

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: