Chelsea Oo U Sheegtay Costa In Albaabada U Furan Yihiin , Horyaalkee Ayay Kaga Dhagan Tahay Laacibka?.

Kooxda Chelsea ayaa muujisay in ay ka careysan yihiin weeeraryahankooda Costa waxa ayna u fureen albaabada in uu bixi karo marka xilli ciyaareedka dhamaado

Sababta looga careysan yahay ayaa ah in laacibkaan uu kooxda ku cadaadinayo in laga iibiyo horyalka shiinaha

Tutto Mercato ayaa sheegeysa in tababaraha Chelsea uu ku war giliyay maamulka kooxda in la baadi goobo badelka Costa lana iibiyo laacibkaas hore Atletico Madrid

Kooxda Tianjin Quanjin ee horyalka Shiinaha aya laacibkaas miiska u soo saartay dalab uu todobaadkiii ku qaadanayo mushaar gaaraya 650 kun oo gini waana mushaar laba jeer ka badan kan uu haatanka qaato Chelsea

Waxa uu tababare Conte maamulka u jeediyay in ay xoogga saaraan in ay la soo wareegaan laacibkoodii hore Lukaku kaasi oo haatan u jooga Everton

Shaxda tababare Conte ee 3.4.3 ayuu aamisnan yahay in laacibkaas uu munaasib ku yahay ,lamana hellin qiimaha Chelsea ay ku iibin doonaan Costa

Costa ayuu hishiiskiiisa kooxdaas Chelsea uu dhacayaa xagaaga 2019-ka

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: