Chelsea Oo Abaal Marin 5 Milyan Ah Siineysa Ciyaartooyda Kooxda Haddii Labadaan Arin Ay Sameeyaan Xilli Ciyaareedkaan

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa abaalmarin lacageed oo sareysa u ballan qaaday ciyaartooyda kooxda haddii xilli ciyaareedkaan ku guuleystaan horyaalka Ingiriiska

Ilo wareeedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Roman Abramovich u balan qaaday ciyaartooyda in uu siinayo abaal marin dhan 4 milyan oo gini

Lacagtaas waxaa loo qeybinayaa ciyaartooyda kooxda ee ay ku jiraan kuwo dhaawacan ,kuwo aan kooxda kulmada badan u safan .

Warku waxa uu intaas ku darayaa in abaalmarinta la garasiinayo illaa 5 milyan oo gini haddii kooxda Chelsea ka talabsadaan Tottenham una gudban finalka FA Cup-ka

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Chelsea ayaa haatan hogaanka ku haysa afar dhibic waxaan booska labaad ku jirta Tottenham waxa uuna kulanka semi finalka FA Cup-ka uu dhacayaa 22-ka bishaan

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: