Blaise Matuidi Oo Ku Soo Wajahan Horyaalka Premier League Laba Xiddig Ayaa Kooxdooda Ku Qalqaalinaya Chelsea,Arsenal Mise..?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsigu sida ay sheegayaan wararku.

Blaise Matuidi ayaa xagaagii hore si xoogan loola xiriirinayay kooxda Man United laakiin waxa uu ugu dambayntii iska sii joogay kooxdiisa PSG.

Manchester United Blaise Matuidi

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaa la sheegayaa in uu haatan doonayo in uu xagaaga ku biiro kooxda Man United xilli ay saxiixan ka dambeeyaan xiddigaa Paul Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic oo xiddigan ku qalqaalinaya in uu ku soo biiro kooxda Man United.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Qandaraaska uu xiddigani kula jiro kooxda PSG ayaa dhacay xagaaga dambe xilli ay u badantahay in aanu heshiis cusub u saxiixin kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Xiddigan oo kulamadii ugu dambeeyay boos joogto ah ka waayay ayaa diyaar u ah in uu shandadihiisa ka qaato kooxda reer France xilli uu ku soo wajahan yahay horyaalka Premier league.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: