Ac Milan Oo Ku Soo Biirtay Xiisaha Loo Qabo Weeraryahanka Roma Ee Dzeko ,Imisa Ayaa Lagu Heli Karaa ?.

Weeraryahanka kooxda Roma ee Dzeko ayaa lagu waramayaa in xiiso weyn looga qabo dhanka Ac Milan kuwaasi oo doonaya in ay dalab ka geeyaan haddii ay ku fashilmaan in xagaagaan la soo hishiiyaan weeraryahanka Dortmund ee Emerick Aubameyang.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Milan dadaal ugu jiraan in ay helaan badalka Carlos Bacca kaasi oo loo badinayo in uu kooxdaas ka huleelo

Emerick Aubameyang ayaa yaraantiisa soo maray academy-yada Ac Milan waxaana la xusayaa in uu ku fikarayo in uu kooxdaas u yimaado haddii ay dhacdo in xagaagaan uu ka huleelo Dortmund.

Mediaset Premium ayaa sheegeysa in Dzeko uu AC Milan ugu jiro dooqa labaad xilli laacibkana uu xilli ciyaareedkaan uu si wacan uga dhex muuqdo horyaalka Italy isaga oo dhaliyay 25 gool.

Roma oo baadi goobeysa qarash ay ku xaliso arimo gudaha kooxda ah ayaa diyaar u ah in ay iibiyaan Dzeko haddii qiimo wacan laga keeno

Laacibkaas ayaa la xusayaa in qiimaha suuqeed ee lagu heli karo uu gaarayo illaa 18 milyan oo euro

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: