Warbixin Xasaasi Ah: Maxaa Dhici Doona Hadii Leicester City Ay Ku Guulaysato CL Manchester United-na Europa League?

Tartanka afarta sare ee loogu soo baxo Champions League ee gudaha horyaala Premier League ayaa xilli ciyaareedkan meel kulul maraya waxaana 5 kooxood ay ku tartamayaan keliya 3 boos oo ka banaan baska u socda Champions League.

Kaalmaha afarta sare ayaan ahayn wadada keliya ee ay tahay in ad soo marto si aad ugu soo baxdo Champios Leageu balse waxa jira luuqyo dhaadher oo aad soo mari karto si aad xilli ciyaareedka xiga isaga soo xaadiriso Champions.

What happens if Leicester City win the Champions League & Man Utd win the Europa League?

Waa tan koowaad e waa in aad ku guulaystaa isla Champions League si aad boskaaga Group-yada u carbuunato halka mar labaadna aad dookh u haysato in aad sare u qaado Europa League si laguugu jaro tikidhkaaga Champiosn League xilli ciyaareedka xiga.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA ma jiri doono horyaal ay in kabad shan kooxood u meteli doonaan tartanka Champions League balse Premier League ayaa xisaab badaw ahaan [marka la dhaafo sharciga UEFA] haysta fursad ay 5 kooxood ugaga soo qab geli doonaan Champions League.

Kooxda Leicester City oo ku jirta kaalmaha hoose ayaa cabsi gelinaysa dhamaan kooxaha Champions League waxaana mar labaad laga yaabaa in ay mucjiso dhigto tartankaan isla markaana ay kuba guulaysato Champions League. Midas hadii ay dhadana Leicester City xilli ciyaareedka danbe waxaan ku arki doonaa masraxa Champions League.

Manchester United oo iyana ka ayaa iyana ka mid ah kooxaha ugu cadcad in ay ku guulaystaan Europa League hadii ay riyadaas rumaysana kooxda United waxa ay xilli ciyaareedka danbe toos ugu soo baxaysaa Champions League.

Booska Champions League ee labadaas kooxood ee sare ayaa noqon doona mid muqadas ah balse maxaa lasoo darsi doona afarta kooxood ee ku dhamaystay 4-ta boos ee loogu soo baxo Champions League.

Sida aan hore u soo shegnayba ma jiri doonto horyaal ay 5 kooxood ka badani uga soo qab geli doonaan Champions League taas oo la micno ah in 3-da kooxood ee ugu sareeya Premier League ay ay si toos ah ugu soo bixi doonaan Champions League isla markaana ay meesha ka bixi doonto kooxda booska afraad.

Chelsea ayaa ugu cadcad in ay ku guulaysato Premier League waxayna keliya u baahnaan doontaa laba kooxood oo usii raaca masraxa Champions League, Tottenham, City, Liverpool iyo Arsenal ayaa u tartami doona 2-da boos ee hadhay , waa hadii United iyo Leicester Ay ku dhamaystaan meelo ka baxsan afarta sare isla markaasna ay ku guulaystaan Europa Leageu iyo Champiosn League.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: