Waa Kuwee 8-da Kooxood Ee Usoo Baxay Wareega Rubuc Dhamaadka Europa League? Goorma Ayaase Isku Aad Loo Qaban Doonaa?

Keliya sideed kooxood ayaa nasiib u yyeshay in ay sii wataan riyadoda ah in ay xilli ciyaareedkaan ku guulaystaan Europa League kadib markii ay xalay ciyaareen kulamdii lugta labaad isla markaana ay usoo gudbeen wareega rubuc Dhamaadka.

Sidedan kooxood ayay ka kala socda 7 horyaal oo kala duwan, horyaalka Belgium ayaana wata laba kooxood waana Anderlecht taas oo so dhaaftay Apoel iyo Gent oo kasoo tallaabsatay dhigeeda Genk, horylaaka dalkaas ayaana ah kan kooxaha ugu badan ku leh.

manchester United oo si adag usoo dhaaftay kooxda Rostov ayaa iayana wareegaan ku jirta isla markaana ah kooxda keli ah ee matalaysa Premier League halka Lyon oo kasoo badisay Roma ay tahay kooxda calanka u sida League 1-.

Hal koox oo German ah ayaa maraysa wareega sideed dhamaadka Europa League waana Schalke oo mel iska saartay deriskeeda Gladbach ugu danbayna kooxda Celta Vigo, Basiktas iyo Ajax ayaa kala matalaya, horyaalka La Liga, turkiga iyo kan Natherlands.

المتأهلين الثمانية

Sideedan kooxood ayaa hadii alle idmo isku beegbeeg loogu qaban doonaa magaalada Nyon ee wadanka Switzerland marka saacada geeska afrika ay ku beegan tahay 3-da galabnimo markaas oo ah saacad ka bacdi isku beegbeega Champions League.

Kooxda.com ayaana wakhtigaas idiin soo gudbin doonta sida uu u dhacay isku beegbeegaasi.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: