Rasmi: UEFA Oo Ganaax Kusoo Rogtay Mid Kamid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Kooxda Tottenham.

Hadii ay dhacdo in kooxda Tottenham ay xilii ciyareedka danbe usoo baxdo tartamada Yurub [Champions League iyo Europa League] waxay ay kulamada u horeeya ku bilaaban doontaa nolol bilaa Dele Alli Ah.

Kooxda Spurs ayaa xili ciyaareedkaan ku liidatay dhanka tartamada yurub iyadoona lagu soo reebay heerka Groupyada Champions League halka mar kalena lagusoo reebay Wareega 32-ka Europa League.

FBL-EUR-C3-TOTTENHAM-GENT

Waayaha kooxda Spurs ee Tartamada Yurub ayaa kuso dhamaada garoonka Wembley oo ay kooxdani xilli ciyaareedka danbe u guuri doonto kadib markii kooxda reer Belgium ee Gent ay ka badisay kulankaas.

Dele Alli ayaa kulankaas sameeyay fal axmaqnimo ah kadib markii uu Taakal waayo dhamaad ah kula kacay mid kamid ah xiddigha kooxda kaso hor jeeday isagoona midaas ku mutaystay kaadhka casaanka ah.

Haatan xidhiidhka kubada cagta Yurub ayaa xiddigaan qoorta u geliyay ganaax 3 kulan ah kuwaas oo ka bilaabmi doona kulanka ugu horeeya ee ay kooxda Tottenham ciyaarto tartamada yurub.

Tas ayaa la micno ah in Dele Alli uu seegi doono kala badh kulamada heerka guruubyada ee Champions League xilli ciyaareedka danbe midaas oo aan war farxad leh u ahayn Maurico Pochettino.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: