Olivier Giroud Oo Xalay Goolhaye Hugo Lloris U Tilmaamay Meesha Uu Silva Rikoorada U Laagi Doono

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France ayaa Olivier Giroud ayaa xalay isku dayay in uu goolhayaha xulkiisa Hugo Lloris ka caawiyo in uu rikooraha ka qabto xiddiga reer Spain ee David Silva.

Olivier Giroud ayaa kulanka badal ku soo galay daqiiqadii 65-aad isaga oo lagu badalay weeraryahankan Kylian Mbappe Laakiin weeraryahankan ayaan wax saamayn ah ku yeelan kulanka.

Tababaraha Didier Deschamps ayaa Giroud kulanka keenay iyada oo ay labada xul isku dhaafi laayihiin 0/0 laakiin in yar kadib ayaa Spain lagu abaalmariyay rikoore uu galay daafaca Laurent Koscielny.

Gooldhaliyahan reer France ayaa goolhayaha ay isku xulka yihiin u sheegay booska uu David Silva ka dhalin doongo goolka laakiin Goolhayahan ayaa iska idho tiray oo u booday dhinaca kale.

Waxa la Arkayay intii uuna Silva Laagin Goolka in Giroud Lloris u tilmaamayay dhanka bidixda taas oo noqotay meeshii uu weeraryahanku limaamayay.

Muuqaalka Halkan Hoose Ka Daawo:

Comments

comments

Leave a Reply