Kooxda Monaco Oo Diyaar U Ah In Ay Fasaxdo Mid Kamid Ah Xiddigaheeda Cajiibka Ah Iyo Kooxaha Premier League Oo Heegan Ku Jira.

Kooxaha Premier League ayaa la sheegayaa in ay hegan ku jiraan kadib markii la sheegay in kooxda Monaco ay diyaar u tahay in ay fasaxdo mid ka mid ah daafacyadeeda oo aad looga doonayo.

Sid aay kusoo warramayso L’Equipe kooxda Monaco ay dhagaysan doonto dalalbaadka u yimaada danbeedkeeda buuxda ee Djibril Sidibe.

FBL-EUR-C1-MAN CITY-MONACO

24 jirkaan ayaa kamid ah xiddiga qaab ciyaareedka wanaagsan kusoo bandhigaya horyaalka iyo Champions League-ba kooxdan ayaana doonaysa in ay ka faa’idaysato qiimaha xiddigaan ee sare usii kacaya isla markaana ay ku iibiso qiimaha ugu macquulsan isla markaana ay u fasaxdo kooxda ugu dalabka sarraysa.

Monaco ayaan wax welwel ah ka qabin booska uu bannayn doono daafacaan iyadoona safkeeda ku haysata Almamy Traore kaas oo la aaminsan yahay in uu maalin uun soo jabsan doono safka koowaad ee koxda.

Chelsea, Arsenal iyo labada Manchester ayaa dagaal toos ah ugu jira danbeedkaan balse xiddigaan ayaa doonaya kooxda xigta ee uu ku biiri doono in ay u ballan qaado booskiisa koowaad .

Ma ahan keliya Djibril Sidibe xiddiga kooxaha Premier League ay ka doonayaan kooxda Jerdim balse ​Bernardo Silva, Kylian M’Bappe, Tiemoue Bakayoko, Thomas Lemar iyo Fabinho ayaa kadib qaab ciyaareed wanaagsan aad looga doonayaa horyaalkaas,

Comments

comments

Leave a Reply