Kooxda Chelsea Oo Ugu Dambayn Sheegatay Qiimaha Ay Kaga Samri Karto Xiddigee Enden Hazard Laakiin Warkan Poul Pogba Ayuu Dhibayaa

Kooxda chelsea ayaa ugu dambayn soo dabacday oo shaaca ka qaaday qiimaha ay ku fasixi karto xiddiga garabka uga ciyaara ee Eden Hazard xilli xiddigan ay u waalanayso kooxda Real Madrid.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in kooxda chelsea ay doonayso in ay sii haysato xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira laakiin waxa jira xiiso waali ah oo uu xiddigan ka helayo kooxda boqortooyada.

Wararka ka soo baxaya ila wareedyo ku dhow kooxda Blues ayaa sheegaya in kooxda chelsea ay ugu dambayn aqoonsatay in ayna sii haysan karin xiddigan heerka caalami inta uu xiisaha waalida ah ka helayo kooxda ugu awooda badan dhanka suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa la sheegayaa in ay dhigeeda Real Madrid u sheegtay in ay jabiso rikoorka suuqa kala iibisga hadii ay doonayso in ay xiddigan u xirto maaliyada cadaanka ah.

Blues ayaa doonaysa in ay xiddigan bixitaankiisa ku hesho lacag dhan 100 Milyan oo euro taas oo jabinaysa rikoorkii u yaala suuqa kala iibsiga ee uu dhigay xiddiga khadka dhexe ee man United Poul pogba.

Pogba ayaa ugu biiray kooxda Man United lacag dhan 89.3 milyan euro isaga oo ka yimid kooxda reer Italy ee Juventus oo lacagtaas jeebka ku shubatay.

Laakiin Blues ayaa doonaysa in ay 26 jirkan ku iibiso lacag dhan 100 Milyan taas oo u sheegtay Real Madrid in u fasixi doonaan hadii ay helaan dalabka lacagtaas dhan.

Hadii ay Real Madrid Ogolaato In Ay Miiska Saarto Lacag Ay Chelsea Sheegtay Hazard Ayaa Pogba Kala Wareegi Doona Xiddiga Ugu Qaalisan Adduunka.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. hazard says:

    waad khaldan tihiin chealsea hadalkeedii mahaa umana malaynayo hazard in uu ka tegayo chealsea xitaa hadii uu baxaysna qiimihiisu wuxuu gaari doona 150milyan

  2. c/risaaq says:

    asc dhamaan asaxaabeey lkn shabakadii maxaa kudhacay wamaxay wararkan is burinaaya hore qiimaha bagbo waxay Ku sheegeen 110 iyo 17 malyan o uu qatay wakiilkiisu mantana waa 89.3 kkkkkkkk kolkee saxa

  3. Real madrid says:

    Waxba Real Madrid boqol milyan uma aragto ninkasi wa kennid rikoorkuna meelba iskale Manchester waxay ahayd wexedo Real kaxanaji waraabe habarna wax lagaga tariwaaa orodna lagu gariwaa Real waa waraabe hala Madrid

  4. sayid cumar says:

    warkaas Chelsea ma Oran kooxda.net ee iska hubiya mahaan 100 milyan iyo wax u dhaw 157m macquul




.








%d bloggers like this: