Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Sheegay In Ay FIFA Ka Codsan Doonaa In 16 Boos Laga Siiyo Koobka Adduunka Ee 2026-ka.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa doonaya in 16 boos loo kooteeyo qaramaa yurub marka uu sannadka 2026-ka uu dhaqan galo ballaadhinta koobka aduunka sida uu caddeeyay madaxweynaha xidhiidhkaas ee Aleksander Ceferin.

UEFA ayaa sidoo kale doonaysa in qaramada yurub lakala duwo isla markaana qorshaha lagu daro in laba qaran oo yurub ahi aysan ku wada jirin hal Group sidaasna uu u la jeedo in dhamaan qaramadoodu ay usoo baxaan wareega xiga waa sida uu hadalka u dhigaye.

Germany win World Cup

Madax weyne Aleksander Ceferin ayaa hadalkaas ka sheegay shir xidhiidhkaasi ku yesheen magaalada Nyon ee waddankaasi Switzerland waxaana hadalkiisa ku raacay dhamaan xubnihi kasoo qayb galay shirkaas.

“Waa macquul. waaa layna cadaadin karaa isla markaana aqlabiyada waa la inaga yeelan karaa, balse waa in aan runta ka hadalnaa isla markaana an waydiisanaa 16 boos, oo lagu daray qodob ah in qaramada Yurub lagu kala daro Group-yo kala duwan” ayuu madax weynahaan shirkiisa jaraaid ka sheegay.

“Hadii ay inoo rumowdo waa wax wanaagsan, ytayadu dhankeena ayay jirtaa waxaana u malaynayaa in dhamaan 16-keenuba ay soo bixi karaan”

Koobka aduunka ee 2026-ka ayaa la ansixiyay in ay kasoo qayb geli doonaan 48 qaran waxaana la ciyaari doonaa 84 kulan halka uu marki hore ahaa 64 kulan balse kooxda koobkan qaada ayaa ciyaari doonta kulamo la mid ah midkii 201-kii oo ahaa 7 kulan.

Sidoo kale xidhiidhka Yurub ayay koobkii aduunka ee Germany ku guulaysatay ay uga soo qayb galeen 13 qaran balse hadii codsigooda laga aqblo ayay 2026-ka koobka aduunka iman doonaan 16 qaran oo Yurub ah.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: