Tuesday 21 November, 2017

XASAASI: Kooxda Barcelona Oo Diirasada Saaratay Seddex MAcalin Oo Bedel U Noqonkaraan Luis Enrique

Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkaan kadib laga yaabaa in markale ay sameeyso isbedel maadaama kooxda uu hogaamiyo Macalin Luis Enrique inay laga yaabo in kooxdaan laga qaado.

Hogaamiyaha kooxda Barcelona ayaa cadaadis wajehikara inkastoo Barcelona ay horyaalka ku guuleeysano tan iyo markii uu kooxda qabtay labadii sano ee ugu dambeeysey.

Laakiin sida ay xilli ciyaareedkaan wax ku socdaan Macalinkaan waxaa laga yaabaa in wax badan iska bedelaan oo waxaa jiraan shaqsiyaad lala xiriiriyo shaqadiisa.

Wararka laga helaya Barcelona waxaa ay sheegayaan in kooxda Barcelona ay hada diirada saaraneyo seddex macalin kuwaasi oo bedeli rabaan Macalin Luis Enrique.

Ernesto Valverde, Eusebio Sacristan iyo Ronald Koeman ayey hada Barcelona dooneysaa in midkooda ay kooxda u dhiibaan oo ay ku bedelaan Macalin Enrique haddii kooxda ay isbedel doon tahay.

Barcelona ilaa iyo hada kuma adkeeysaneyso inay sameeynkaraan bedeladaasi balse sida hada muuqata waxaa ay Barcelona damacsantahay inay Enrique fasaxaan.

Macalin Luis Enrique waxaa uu kamid yahay shaqsiyaadkii soo maray kooxda Barcelna waxaana macquul ah inuu markaan bedel qabto.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: