XANTA SUUQA: Kooxda Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Dhaliyaha Xilligaan Ugu Wanaagsan SERIA A

Koox badan ayaa indhaha la raacayaan ciyaaryahanka laga doonayo suuqa kala iibsiga ee Belotti kaasi oo indhaha la raacayaan kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub.

Xidigaan ayaa saameyn ka sameeyey horyaalka taliyaaniga ee Seria waxaana uu sabab u ahaa kooxo badan oo ka dhsian Yurub inay iska iloowaaan weeraryahanadooda.

Real MAdrid ayaa ahayd kooxda ugu weeyn ee xidigaan indhaha la raacday waxaana kooxda Zidane ay damacsantahay in xidigaan ay ku bedelaan booska Benzema.

Shabakada La Stampa ayaa waxaa ay sheegeysaa in xidigaan loolankiisa ay kusoo biirtay kooxda Bayern Munich oo damacsan inay ka dulqaado kooxaha ciyaaryahankaan xiiseynayaan.

Sidoo kale waxaa xiisaha ciyaaryahankaan ku jiraan kooxo badan waxaana kamid ah kooxda Arsenal , Juventus kuwaasi oo dhamaantooda doonayaan in Torino ciyaaryahankeeda ay qaataan.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.