Wenger : Xittaa Haddii Aan Ka Huleelo Arsenal Ma Guuleysanayaan , Maxuuse Ka Damacsan Yahay Mustaqbalkiisa Kooxdaas

Tababare Wenger hoosta ka xariiqay in weli uusan go`aansan sida uu noqonayo mustaqbalkiisa kooxdaas Arsenal

“Kama fikarayo haatan mustaqbalkeyga waayo xiiso ma laha in laga hadlo haatan , wax waliba oo dhaca aniga tababarnimada iskama casilayo xilli ciyaareedka dambena Arsenal ama koox kale ayaan la joogayaa”.

” Haddii aan Arsenal ka huleelo xittaa ma badinayaan dhammaan kulamada mustaqbalka , waa in arintaas ogaataan” ayuu yiri Wenger

Mar wax laga weydiiyay in Sánchez uu ka huleelayo kooxda ayuu Wenger yiri ” Sánchez waxa uu Barcelona u aaday arimo la xariira dacwaddii dhanka canshuuraha ee dalkaas looga haystay beri ayuuna soo laabnayaa”.

Comments

comments

Leave a Reply