Wenger Wuu Socdaa , 8 Tababare Ayaa Haatan Lala Xariirinayaa Shaqadiisa Kooxda Arsenal ,Patrick Vieira Ayaana Ku Jira

Arsenal ayaa xalay guul darro xanuun badan waxa ay kala soo kulmeen kooxda Munich oo ku soo garaacday 5/1 ka dib kullan ahaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka Champion-ka

Guul dardaas waxa ay sii xoojiyeen wararka sheegaya in Wenger ay uga sii dhmaaneyso shaqada kooxdaas xilli hishiiskiisa haatan ee Arsenal uu dhacayo xagaaga soo socda

Dhowr macalin ayaa haataan lala xariirinayaa shaqada kooxdaas xilli macalinka Tottenham oo ku jiray liiska uu durba beeniyay in uu ku talo jiro in Wenger uu ka badalo shaqadaas
Hataan wargeyska The Sun ayaa soo dabaacay 8 macalin oo laga yaabo in midkood uu Wengerka badallo shaqada kooxdaas ka dhisan waqooyiga London

Eddie Howe waxa uu tababare u yahay kooxda Bournemouth waana 39 snao jir waxaana uu kooxdaas soo maamulayay tan iyo 2009-kii waxa uuna u soo saaray horyaalka Ingiriiska oo ay xilli ciyaareedkaan joogaan

Massimiliano Allegri oo Juventus haya waxa uu kooxdaas laba jeer la qaadya horyaalka Italy halka uu la soo gaaray finalka Champion-ka

Leonardo Jardim oo waxa uu soo hagayay kooxda Monaco tan iyo sanadkii 2014-ta waxa uuna haatan kooxda ku hogaamiyay in ay qabtaan maamulka horyaalka France ee xilli ciyaareedkan

Macamiliinta kale ee lala xariirinayo shaqada kooxdaas ayaa kala ah Roger Schmidt oo u jooga kooxda Bayer Leverkusen ,Diego Simeone oo Atletico Madrid ah ,Joachim Low macalinka qaranka Jarmalkaoo muddo laala xariirnayo shaqada kooxdaas

Patrick Vieira oo ah xiddig hore Arsenal ahaa ayaa haatan hogaamiya kooxda reer Mareykanka ee New YorkCity iyo macalinka kooxda Dortmund ee Thomas Tuchel ayaa isna lala xariirnayaa shaqada kooxdaas Arsenal

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: