Tuesday 21 November, 2017

Weeraryahan Chelsea Ah Oo U Sheegay Saaxibadiisa In Uu Ku Biirayo Liveprool Marka Suuqa Xagaaga Uu Furmo

Weeraryahanka da`da yar kooxda Chelsea ee Dominic Solanke ayaa lagu waramayaa in uu go`aansaday in uu ku biiro kooxda Liverpool marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan

Laacibkaas 19 sano jirka ah ayaan xilli ciyaaredkaan xittaa hal kullan oo horyaalkaah u safan kooxdaas uu hogaaminayo macalin Conte

Laacibkaan ayaa lagu tirinayay xiddigaha mustaqbalka ku leh kooxdaas ka dib markii uu xilli ciyaareedkii hore si wacan uga soo dhex muuqday kooxda Vitesse Arnhem ee Holland oo uu amaah ugu maqnaa .

Chelsea aya adareensan in laacibka hishiiskiisa uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkaan hadana ma jiro qorshe ay hishiiska ugu cusbooneysiinayaan

Waxa uu wargeyska The Sun sheegayaa in laacibkaas uu ku war giliyay saaxibadiisa Chelsea in uu ku biirayo kooxda Liverpool

Laacibkaan ayaa Chelsea horay ugu codsaday in todobnaadkii la siiyo 50 kun oo gini baslse Liverpol ma siinayaan mushaarkaas balse waxa ay u balan qaadayaan oo ay ku qancinayaan in kooxda uu boos joogto ah ka helayo

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: