Wargeyska Marca Oo Daboolka Ka Qaaday Xilliga Tababare Luis Enrique Damacsan Yahay In Uu Ka Huleelo Kooxda Barcelona

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa lagu waramayaa in uu go`aansaday in uu ka huleelo kooxdaas ka dib natiijooyinka liita ee ay kooxdaas ka sheeganeyso

Radio Marca ee Spain ayaa sheegaya in macalinka uu go`aansaday in uu kooxda ka huleelo marka xilli ciyaareedka dhamaado

Sidaas oo ay tahay wargeyskaas ayaa xusay in macalinka uusan daboolka ka qaadin halka uu wajiga saarayo

Marca waxa ay intaas ku dareysaa in Barcelona dhankooda doonayaan in macalinka uu kooxda sii joogo balse tagaeerayaasha ayaa badankooda codsanaya in uu baxo macalinka

Barcelona ayaa haatan halis ugu jirta in ay ka haraan tartanka Champion-ka maadaama lugtii 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka lagu soo garaacay 4 gool waxaana sidaas sameeysay kooxda PSG

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: