Warbixin: 4 Sababood Oo Real Madrid Ay Isaga Ilaawi Karto Aubameyang Isla Markaana Ku Khasbaaya In Ay Lasoo Saxiixato Sergio Aguero.

Kooxda Real Madrid ayaa xagaag inagu soo aadan laga faydi doonaa ganaaxa ka saaran suuqa kala iibisiga Florentino Perez ayaana la filayaa in uu sida caadada u ahayd kaash farraqo isla markaana uu suuqa kasoo qaato magacyo waaweyn si uu Macallin Zidane ugu fududeeyo in uu galo tartan kale oo cusub.

Shabaq ilaaliye [Midkood De Gea, Courtois, Donnarruma, Lloris] ayaa la filayaa in uu noqdo ugaadha ugu horraysa ee ay saaran tahay shiishka qoriga Perez balse waxaa iyana la hubaa in madaxweynahaasi uu suuqa u geli doono weeraryahan booska kula tartama Benzema iyo Morata kuwas o la filayo in midkood uu shanadadihiisa ka uruursan doono Bernabeu.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Sergio Kun Aguero ayaa ah magacyada ugu waaweyn ee ka muuqada liiska weeararyahanada kooxda Real Madrid ay ka doonayso suuqa kala iibsiga xagaaga inagu soo aadan sidaas awgeed waxaan idinla wadaagi doonaan 4 sababood oo uu Perez u dooran karo Sergio Aguero isla markaana uu isaga illaawi karo Aubameyang.

1-Horumarkiisa Premier League.

Aguero

Hadii aan la iska indha tirayn; Sergio Aguero ayaa ah weeraryahanka ugu dilaasan Premier League iyadoo in badan oo ka mid ah dadka wax falan qeeyaa ay ku tilmaamaan in uu yahay weeraryahanka ugu caalamisan ee ka ciyaara Premier League.

Premier League ayaa sidoo kale lagu tilmaama kan ugu adag marka la barbardhigo horyaalada caalamka, sidaas awgeed waxa ay noqon doontaa wax fudud in Aguero uu ka ciyaaro Horylaalka La Liga oo tayo ahaan ka hoosey PL. Balse midaas ayaa noqon doonta waayo aragnimo ka dhiman dhigiisa Aubameyan kaas oo ka ciyaara Bundesliga oo kaalinta saddexaad kaga jira qiimaynta UEFA.

2-Taariikhdiisa La Liga.

Inbadan oo akhristayaasha ka mid ah ayaa laga yaaba in ay ilaawen in Sergio Aguero uu 5 sano oo guulaystay uu kusoo qaatay horyaalka La Liga iyo kooxda ay Los Blancos deriska yihiin ee Atletico Madrid kahr inta uusan 2011-kii  38 million oo pounds ugu biirin kooxda Manchester City.

Aguero ayaa kooxda Roji Blancos u saftay 17 kulan isagoo mudadaasna u saxiixay 74 gool waxaana ay noqon doontaa wax sahlan in uu kusoo laabto lana qabsado magaaladii iyo caasimadii uu 6 sano ka hor ku xaraftami jiray. mar kalena waa khibrad uu Aubameyang dheeryahay.

3-Joogtaynta Gooldhalinta

Xili ciyaareedkii hore waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee uu Aubameyang dhaliyo wax ka badan 20 gool waana mid aad uga hoosaysa midka Sergio Auero kaas oo dhaliyay  4 jeer.

Marka ay halkaas timaadana Aguero waxa uu mar kale ka sarreeyaa Aubameyang.

4-Awoodaha Dabiiciga Ah 

Kooxda Real Madrid ayaa aad u jecel in ay lasoo wareegto xiddigo hal abuur ka samayn kara meelo aaanay waxba ka suurto gal ahayn Aguero iyo Aubameyang labadubana waa dhamaystirayaal cajaai’ib ah.

Auba waxa uu ku tiirsan yahay xawaarihiisa iyo boos go’naantiisa balse Sergio Aguero waa xiddig gembis badan isla markaana dilaa ku ah meel kasta oo ka mid ah xerada ganaax kooxdiisa.

Waxa uu leeyahay cag miisaaman oo ku dhalin karo goolal kuwooda ugu qayrul macquulsan waxaana uu daafac kasta ku abuuri karaa cabsi ka badan inta uu abuuri karo Aguero.

 

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. aguero says:

    anigu madoonayo inuu katago blue sky city




.

.