Wakhtigii Messi Iyo Ronaldo Waa Gaba Gabo Qaarada Yurubna Shumacyo Ayaa Usoo Baxay, Daliilkan Ayaan Kuu Haynaa

Horyaallada qaarada Yurub ayaa meel xiiso leh maraya waxaan haatan jira ciyaartoy wakhti xaaadirkan foom heersare ah ku jira foomkaasi oo ka wanaagsan kan Messi iyo Ronaldo.

Sida aad la socotaanba Cristiano Ronaldo Iyo Leonel Messi ayaa kubada cagta beryahan danbe iska yeeshay kadib markii labadan xidig ay sideedii sano ee ugu danbeeysay ay uruursanayeen abaal.marinada ugu waaeeyn.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo tabinaysa daliilo caddeyn u ah in Ronaldo iyo Messi looga hor maray tartanka gool dhalinta qaarada yurub oo ay aalaaba iyagu ku tartami jireen.

Hadaba waa kuma xidiga ugu goolasha badan horyaalada waaweyn?

Weeraryahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa ah xidiga ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waaeeyn qaarada yurub. Cabano ayaa 25 gool u dhaluyay kooxdiisa PSG.

I. Cavani-25

II. Alexandre Lacazette-20

III. Luis Suarez-18

IV. DZeko-18

V. Gaonzalo Higuan-18

 

Yaa ugu Gool.Caawin Badan?

Shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub waxaa ugu gool caawin badan xidiga kooxda Napoli ee Callejon kaasi oo 9 gool caawiyay wazaa lamid ah Toni Kroos iyo De Bryune iyo islaantiisa toona.

I. Callejon-9

II. Toni Kroos-9

III. De Bryune-9

IV. Ousmane Dembele-8

V. Alex Sanchez-8

Waxaa idiin muuqata in qaarada Yurub shanta xidig ee ugu goolasha badna iyo shanta ugu gool caawinta badanba laga waayay Lionel Messi iyo Ronaldo waana astaanta hoos u dhaca labada xidig ee xilli ciyaareedkan. Walow Messi uu ka yara qaab ciyaareed fiicanyahay Ronaldo hadana waxaa la dareemayaa da’da labada xidig oo soo kordhaysa sanadahan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: