United Oo Xiddig Ka Dooneysa Kooxda Chelsea ,Balse Tababare Conte Ayaaba Durba Jawaab Siiyay

Kooxda United ayaa bar tilmaameysaneysa in ay dalab ka geeyaan xiddiga kooxda Chelsea ee Willian si saxiixisa u helaan xagaaga

Sida Tutto Sport Mercato sheegeyso macalin Jose ayaa maamulka kooxdaas ka dalbday in ay dalab ka geeyaan wiilkaas reer Brazil oo uu horay ugu soo layliyay kooxda Chelsea

Laacibkaas 28 sano jirka oo sidoo kale lala xariirnayo horyaalka Shinaha ayaa dhawaan qiray in macalin Jose uu isku dayay in uu ku jiido United ka dib markii uu macalinka qabtay maamulka kooxdaas

United ayaa la xusayaa in ay go`aansadeen in dhawaan dalab rasmi ah ka geeyaan laacibka lamana hellin qiimaha ay ku doonayaan

Macalin Conte oo maanta wax laga weydiiyay arintaas ayaa yiri ” ma jirto wax aan ka ogahay xiisaha United u qabaan willian balse waxaan ogahay in Wilian uu muhiim u yahay kooxda Chelsea”.

Comments

comments

Leave a Reply