United Oo Sara U Qaaday Qiimaha Ay Ku Doonayaan Bernardo Silva

Kooxda United ayaa sara u qaaday qiimaha ay ku doonayaan xiddiga kooxda Monaco ee Bernardo Silva si ay u helaan xagagaan.

Tababare Jose ayaa si xooggan ula dhacsan laacibkaas kaasi oo Benfica xagaagii 2015-ka uga soo wareegay aduun dhan 13.4 milyan oo gini

United ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay indho indheeyaal u direen kooxda Monaco si indhaha ugu soo buuxsadaan laacibkaas

Then Sun ayaa sheegeysa in United ay haatan wadahallo la fureen wakiilka 22 sano jirkaas reer Portugal

Waxaa la leeyahay United waxa ay ku doonayaan laacibka 50 milyan balse kooxdiisa ma ogalaan doonaan wax ka yar 70m .
Hishiiska Bernardo Silva ee Monaco ayaa waxaa ka harsan sedex sano waxaana sidoo kale dooneysa kooxda Barcelona

Comments

comments

Leave a Reply