UEFA Oo Ku Dhawaaqday Ciyaaryahanada U Tartamaya Xiddiga Todobaadka Champions League. Adigu Xataa Codayn Kartaa Ilaa Hadda!

Todobaadkan ayaa ka duwanaa todobaadadii kale maadama uu dib u bilowday tartanka ugu qiimaha iyo daawashadan kubada cagta aduunka ee heerka kooxaha waxaana la dheelay kulamo mudnaa in la daawado isla markaana ay kaso baxeen natiijooyin lagu raaxaysat iyo kuwa u qaadan waa ahba.

Kooxda Bayern ayaa qaybtii danbe ee kulankii Allianz Arena afka ciida u dartay Arsenal isla markaana ku xasuuqday 5 gool o keliya laga celiyay 1 gool sidoo kalena Real Madrid ayaa naadi weyn uun ku noqotay Napoli oo marti ku ahayd Bernabeu.

habeenimadii salaasada ayaa weli la hadal hayaa maadama kooxda Caasimada France ee PSG ay garoonkeeda umarada ku maqaar siibtay kooxda Barcelona isla markaana ay uga tallaabsatay 4 gool oo aan wax jawaab ah laga bixin.

Sidoo kalena Benfica ayaa Stadio De Luz gool madi ah kaga badisay kooxda Borussia Dortmund oo ah koox kale oo German ka socota balse muhiimada ayaa ah waa kuma xiddigii shumaca u ahaa todobaadkaan Champions League.

Nasiib xumo weli lama dooran balse xidhiidhka kubada cagta UEFA ayaa soo saaray afarta xiddig ee u tartamaya xiddigii todobaadka Champions League iyadoona soo doorataya afar xiddig oo ka kala socda afar kooxood oo kala duwan.

Ederson oo ah goolhayaha kooxda Benfica oo sameeyay 3 iska saarisood iyo 5 badbaadin, Angel Di Maria oo  2 gool ka dhaliyey Barcelona isla markaana goolka beegsaday 2 jeer ayaa liiskaan kasoo muuqday.

Sidoo kale Arjen Robben oo 1 gool ka dhaliyey kooxda Arsenal iyo Benzema oo isna 1 mar shabaqa ruxay kulankii xalay ayaa soo buuxoyay liiska afarta xiddig ee ay UEFA so bandhigtay isla markaana la doonayo in ay taageerayaashu u codeeyaan.

Ilaa haatan saacadan aan warka qoraayo Angel Di Maria ayaa urursaday codadkii la bixiyay isagona helay 43% halka Ederson uu helay 27% codadkii la dhiibtay, Benzema ayaa isna helay 16% halka Arjen Robben uu urursaday codadka ugu yar oo ah 14%.

Halkan Guji  si aad si toos ah ugu codayso xiddiga todobaadka Champions Leauge.

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Khadar jamac says:

    Angela dimaria




.

.