Tottneham Oo Barcelona U Qarin Qiimaha Ay Ku Fasixi Karaan Walker Balse Waa Mid Caajis Ku Ridaya Reer Camp Nou

Warar ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Tottenham ay sharuud adag ku xireen kooxda Barcelona oo aad uga dooneysa saxiixa garabkooda middig ee Walker

Barcelona ayaa baadi goobeysa badelka ugu haboon ee Alves kaasi oo xagaagii hore uga wareegay koxda Juventus

Waxaa arintaas u sii dheer iyadoo Vidal uu ka dhaawacmay uuna garoomada ka maqnaanayo muddo bil ah xilli heer ciyaareedka Sergi Roberto uu hoos u dhacay

Daily Mirror ayaa sheegeysa in Barcelona todobaadkaan kaliya ay dhowr jeer la soo xariireen iyaga oo ka xaal wareystay in ay helaan laacibkaas deg degsiimada iyo farsamada weerar leh

Balse Barcelona howl adag ayaa sugeysa oo ku aadan in Tottenham diidan yihiin in Walker ku fasaxaan qiimo ka hooseeya 60 milyan oo gini waxa ayna culeys ku tahay Barca

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: