Tababare Klopp Oo Shaaciyay Xilliga Ay Tabaaarka Guud Ku Soo Laabanayaan Xiddigaha Ka Dhaawacan Ee Dejan Lovren iyo Marjko Grujic

Macalinka kooxda Liverpool ee Klopp ayaa daboolka ka qaaday in Dejan Lovren uu todobaadka dambe ku soo laabanayo tababarka guud ee kooxda

Wiilkaas reer Croatia ayaa seegay labadii kullan ee ugu dambeeyay ee Liverpool sababo la xariira dhawac jilibka ka hayay waxa uuna ku sugan yahay haatan Liverpool xilli inta kale saaxibadiisa ay tababar ku soo qaadanayaan magalaada La Manga ee Spain

Waxaa kale oo xeradad tababarka Liverpool ee Melwood ku haray Marjko Grujic kaasi oo ka soo kabsnayaa dhaawac haya balse macalin Klopp ayaa rajeynaya in labada laacib tababarka guud ee kooxda toos ugu soo laabtaan todobaadka dambe

Liverpool ayaa kulankeeda soo socda ee horyaalka waxa ay 27-ka bishaan la ciyaarayaan kooxda Leicester City

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.