Tababarahii Hore Ee Chelsea Oo Iska Casilaya Shaqada Macallinimo Ee Xulka Qaranka Ghana Kadib Markii Xulkiisa Wareega Afar Dhamaadka AFCON Lagusoo Reebay

Macallinkii hore ee kooxda Chelsea haatana leylinayay xulka qaranka Ghana ninka lagu magacaabo Avram Grant ayaa shaqada xulkaasi si rasmi ah uga tagaya.

Masuulka ayaa shaqada macallinimo ee Ghana iska casilaya kadib markii xulkiisa koobka qaramada qaarada lagu reebay wareega afar dhamaadka.

Tartanka qaramada qaarada Afrika oo sanadkan 2017 lagu qabtay Wadanka Gabon ayay xulka qaranka Ghana soo gaareen wareega afar dhamaadka balse xulka Cameroon oo koobkani ku guulrystay ayaa Ghana ka cirib tiray tartankan.

Macallinkii hore ee Chelsea ayaa xulka qaranka Ghana soo maamulyaay 2 sanadood balse wuxuu haatan diiday inuu qandaraaska cusboonaysiiyo.

Masuulkan waxay sidoo kale guuldaro xanuun badan kasoo gaartay Finalkii Koobka qaramada qaarada Afrika ee labo sano kahor kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka qaranka Ivory Coast oo iyagu sanadkaasi ku guuleystay koobkan.

Qoraal kasoo baxay FA-ga Ghana ayaa u dhignaa sida tan, “Labada dhinac waxay kala tagi doonaan narka uu qandaraasku dhanaado Fabraayo 28keeda. Labada dhinac(Ghana iyo macallinku) way ku heshiiyeen inaan qandaraaskanla cusboonaysiineyn marka uu dhaco”

Comments

comments

Leave a Reply