Tababaraha Kooxda Napoli Maurizio Sarri Oo Doonaya In Halyeey Diego Maradona Uu Xiddigaha Kooxda La Hadlo Ka Hor Kulanka Real Madrid Ee Caawa.

Halyeeyga kooxda Napoli Diego Armando Maradona ayaa caawa soo fadhiisan doona taarinbuunka garoonka Bernabeu si uu u daawadi kooxdiisa Napoli oo muddo 30 sano ka bacdi kulan Champions League la ciyaari doonta kooxda Real Madrid.

Ninkaan ayaa doonaya in uu markhaati ka ahaado kooxdiisa Napoli oo ka aarsanaysa kooxda kooxda Caasimada kadib markii kooxdani ay 1987-dii Bernabeu 2-0 uga badisay Maradona iyo kooxdiisa Naples halka lugtii labaadna ay barbaro 1-1 kula soo gashay Italy.

Sarri wants Maradona to give Napoli team talk before Madrid clash

Si kastaba tababaraha kooxda Napoli Maurizio Sarri ayaa doonaya in halyeeygaan uu door aan daawashada kulankaan ahayn uga qaato kooxda Napoli isla markaana uu la hadlo xiddigaha kooxda si uu ugu sameeyo dhiiri gelin.

“Waxay noqon lahayd wax wanaagsan hadii Maradona uu la hadlo xiddigaheena ka hor kulankeena caawa” Ayuu Sarri u sheegay weriyayaasha.

“Aad ayay midaas noo caawin doontaa, waxaana rajaynayaa in uu heli doono wakhti uu midaas noogu sameeyo ”

Dhanka kale Sarri ayaa ka hadlay qaabka ay kooxdiisu caawa u wajihi doonto Real Madrid waxaana uu yidhi “Mida ugu horraysa ee aan ka fekerayno ayaa ah in aan kubad qurxoon Bernabeu kula ciyaarno kooxda Real Madrid”

“Waxaan isku dayi doonaa in aan dheelo farsamada ugu weerarka fiican ee aan awoodo taas waxay naga caawin doontaa in aan u difaacanno sida ugu wanaagsan isla markaasna aan culayska ku badino Real Madrid”

Kooxda Napoli ayaa ah kooxda ugu weerarka halisan horyaalka Serie A iyagoona 24 kulan oo ay safteen ku dhaliyey 54 kulan iyadoona goolashas ay ku jiraan 7 gool oo ay uga badiyeen kooxda Genao.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: