Suarez : Hal Farsamo Ayaan Ugu Soo Bixi Karnaa Wareegga 8-da Champion-ka Kuna Reebi Karnaa PSG

Weeraryahanka Barcelona ee Suarez ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa awood u leeyihiin in ay u soo baxaan wareegga 8-da Champion-ka ayna ka soo kabsadaaan guul daradii afarta gool aheyd ee PSG

Lugta labaad ee kulanka wareegga 16-ka Champion-ka ayaa 8 bishaan waxa ay ka dhaceysaa qalcadda Camp Nou waana kullan Barca laga doonayo in ay dhaliyaan goolal badan

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“Waxaa qasab nagu ah in aan goolal badan dhalinno , waana qasab in aan ku qanacdaa awoodeena ah in aan sidaas sameyn karno”.

” Waxaa qasab nagu in aan laba gool dhalinno 20-ka daqiiqo ee ugu horeeya ama 45-ka daqiiqo ,waan hubaa waa isku dhex yaacayaan PSG halka taageerayasheena ay la kacayaan xamaasad ” ayuu yiri Suarez

Barcelona aya u baahan mucsjiso si 4-taas gool uga soo kabsadaan kuna dhaliyaan mid 5-aad iyaga oo waliba ilaalsanaya in shabaqooda uusan gallin wax gool ah

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdirahman Ibrahim says:

    Suarez wuxuuusan qabankarin ayuuu gahadlay balse Amiga waxaan ogadigayaaa inuuuusan xanaqin dadkana cunun fadlan qudaaan jirin lomaqorya gurto




.








%d bloggers like this: