Sedexleey Uu Dhaliyay Zlatan Oo United Ku Hogaamisay Guul Ay Ka Gaaraan Koox Uu Watay Pogba Walaakiisa ,Saint-Etienne Ayay Europa League Ku Garaaceen

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhowaysay kooxda St Etienne kulan ka tirsan wareega 32-ka ee Europa League.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Man United: Romero, Bailly, Blind, Valencia, Smalling, Herrera, Fellaini, Pogba, Martial, Mata, Ibrahimovic

Kaydka: De Gea, Darmian, Rojo, Schweinsteiger, Lingard, Young, Rashford

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

St Etienne: Ruffier, Theophile-Catherine, Pajot, Saviet, Veretout, Pogba, Hamouma, Monnet-Paquet, Perrin, Malcuit, Intima

kaydka: Moulin, Selnaes, Lacroix, Roux, Lemoine, Pierre-Gabriel, Beric

Kulanka ayaa ahaa mid kooxda Man United kubada maamulayso halka kooxda St Etienne ay iyadu ciyaarayso kubada rogaal celiska ah.

Kooxda St Etienne ayaa iyadu doonaysay in ay ka yaabsato kooxda Man United xilli ay samaysay fursado fiican oo goolal laga dhalin karo xilli goolhayaha Man United dhowr jeer badbaadiyay.

Dhanka kale Kooxda Man United ayaa dhowr fursadood oo goolal laga dhalin karo samaysay iyada oo si xoogan u doonaysa in ay goolal dhaliso dhaqiiqadaha hore ee kulanka.

DAQIIQADII 15-aad Goooool Man United ayaa heshay goolkeedii 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay weeraryahankeeda reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic isaga oo kulanka ka dhigay 1-0 ay kooxdiisu hogaanka ku hayso.

 

Wixii intaa ka dambeeyay kooxda St Etienne ayaa weeraro dhowr ah qaaday iyada oo doonaysa in ay goolka bar-baraha ku dhaliyaan iyaga oo dhowr fursadoo iska khasaariyay.

Kooxda Man United ayaa lafteedu goolal kale oo intaa ka badan dhalin kartay marka loo eego fursadihii badana ee ay iska khasaariyeen.

Waxay sidaa ku socotaba waxa soo gaba-gaboobay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Man United 1-0 ugu hayso hogaanka kulanka xilli ay labada kooxood u bexeen in ay la soo tashadaan tababarayaashooda.

Qaybtii dambe ayay Man United dar-dar la soo gashay iyada oo ku dadaalaysa sidii ay kulanka u dili lahaayeen isagana ilaalin lahaayeen in St Etienne dib ugu soo labato kulan oo ay dhibaato ku keento.

DAQIIQADII 75-aad Goooool kooxda Man United ayaa halkeedii ka sii waday goolashii ay dhalinaysa iyada oo uu mar kale shabaqa soo taabtay weeraryahankan ama suldaan Man United ee Zlatan Ibrahimovic isaga oo dhaliyay goolkiisii 2-aad iyo goolkii 2-aad ee kooxdiisa.

Man United ayaa halkeedii ka sii waday weerardii is daba jooga ahaa ee ay ku qaadaysay kooxda St Etienne iyada oo doonaysa in ay kulanka hurdo u diraan cidhiidhina   rajada kooxda reer France ay ka qabto in ay soo baxdo.

DAQIIQADII 88-aad Gooooool Man United ayaa heshay goolkeedii 3-aad iyada oo uu u dhaliyay weeraryahankeeda ahna hogaamiyeheeda weerarka ee Zlatan Ibrahimovic isaga oo kulanka ka dhigay 3-0 ay hogaanka ugu raaxaysanayso kooxda Man United

Lingard looks to make it four in stoppage time by beating Theophile-Catherine on the outside and cutting it back.

This is a bit harsh on St Etienne, they are still plugging away into four minutes of stoppage time.

Ibra was hacked down on the edge of the area and it falls to Lingard, who curls it just wide – now it’s brought back for a dangerous-looking free-kick. Can they make it 4-0?

Waxa Sidaa ku Soo Af Meermay kulan ay inta badan maamulkeeda gacanta ku haysay kooxda Man United iyada oo gaartay guul ay u qalantay halkeediina ka sii waday qaab ciyaareedkeedii fiican ee ay ku jirtay ee guuldaro la,aanta ahaa

Xigasho :Shabaqa.com  

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: