Saddexda Xiddig Ee U Tartamaya Xiddigii Ugu Fiicnaa Portugal Sanadkii 2016 Oo La Soo Saaray Yaa Ku Jira?

Xiddigaha xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo,Pepe iyo Goolhayaha Rui Patrício ayaa isugu soo haaray tartanka xiddigii ugu fiicanaa xulka Portugal sanadkii 2016.

Tartanka oo ay codaynayaan xiriirka kubada cagta Portugal,Garsoorayaasha,xiddigaha iyo Taageerayaasha ayaa dhamaantood ka qayb qaadan doona codaynta lagu dooranayo xiddiga ugu fiican.

Codaynta ayaa socon doonta ilaa 13 bisha March ee soo socota iyda oo maanta 13-aad lagu dhawaaqi doono xiddiga ku guulaystay abaalmarintan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay 3 xiddiga si weyn uga qayb qaateen ku guulaysigii koobkii Euro 2016 ee uu ku guulaystay xulka qaranka Portuga.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: