RASMI: Kuma Ayuu Ahaa Xiddigii Ku Guulaystay Ciyaar Wanaaga Koobka Qaramada Africa? Malaha Ma Rumaysan Doonta, 40- Sano Ayuu Dhaafay!!

Waxaa caawa si rasmi ah usoo idlaaday koobka qaramada Africa, iyadoona xulka Cameroon ku guulaysteen, waxaana jirtay abaalmarino badan oo la bixiyey.

Assam El-Hadary oo ah goolhayah xulka Masar ayaa ku guulaystay xiddiga soo bandhigay ciyaar wanaagsa intii uu socda koobka qaramada Africa.


Dhowr iyo afartan sano jirkaan ayaa ahaa geesigii xulkiisa usoo saaray dhamaadka ciyaaraha koobka Africa, ka dib markii uu rigoorayaal ka beeniyey Ghana, sidoo kale waxa uu ahaa nin sida 20-sano jir u ciyaarayey dhamaan intii uu socday koobkaan.

Hadaba caawa ayaa si rasmi ah loo gudoonsiiyey inuu noqday xiddigii ku guulaystay ciyaar wanaagsan koobka qaramada AFRICA, laakiin waa abaal marin shaqsiyeed waxba u tari mayso maadaama xulkiisa Masar caawa koobkii hortooda lugu ruxay.

Comments

comments

Leave a Reply