Qiimeynta Xidigaha Manchester United Kulankii Ay Xasuuqeen Dhifooda Leicester City, Kumaa Ahaa Shumaca Garoonka?

Kooxda Manchester United ayaa xasuuq ba’an u gaysatay dhigeeda Leicester City kulan ka tirsan wareegii 24aad ee horyaalka ingiriiska.

Xasuuqa ay Man United u gaysatay Leicester City waxaa sabab u ahaa wiilasha kaa ah Henrikh Mkhitaryan, Zlatan Ibrahimovic iyo waliba Juan Mata kuwaasi oo goolasha sadexda ahaa u ansixiyay kooxdooda.

Hadaba kooxda.com ayaa markana idiin soo tabin xubintii xiisaha badneyd ee aad aalaaba uga barateen. Haatana waxaa dabka inoo saaran qiimeynta xidigaha naadiga shayaadiinta cas-cas kulankii ay dubteen Foxes. Qiimeyntan ma sameeyso kooxda.com balse waxay idiinku soo tabisaa luuqada Af-somaaliga.

 

De Gea 6: Wuxuu u ahaa kulan raaxo leh. Furaado halis babdan laguma tijaabin wuuna wanaagsanaa.

Valencia 7: Mar kastaba wuxuu ahaa mid daafaca Leicester Khal-khal ku abuuraya wuxuuna mar kale soo ban dhigay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Bailly 7 Heersare! Wuxuu ahaa mid degan booskiisa haysta hadana dhiiran. Wuxuu aamusiiyay Jamie Vardy.

Smalling 7: Wuxuu ahaa mid cajab leh. Gool muhiim ah ayuu ka caawiyay Mkhitaryan Dhanka daafaca sidoo kale wuxuu ahaa birlab.

Rojo 6: Wuu wanaagsanaa inti.uu ciyaaray wuxuu u muuqday mid dhaawacmay kadib markii qeybtii labaad lagu bedelay Daley Blind.

Herrera 6: khadka dhexe ayuu gacan ku qabtay wuxuuna ahaa mid baasas fiican

Pogba 7: Khadka dhexe ayuu isagana hantiyay sida saaxiibkiisa Herrera. Wuxuu ahaa birlab aan khadka dhede awood looga badin karin.

Mkhitaryan 8: Gool Cajaa’ib ah ayuu dhaliyay. Sido kale wuxuu caawiyay goolka Juan Mata. Heersare! Wuxuu Ahaa Shumaca Garoonka.

Mata 7: Aad ayuu u wanaagsanaa balse wuxuu khalad xun ku galay Jamei Vardy. Nasiib ayuu kulahaa inuusan casaan qaadanin.

Rashford 7

His pace c Aad ayuu u fiicnaa wuxuuna ahaa mid si fiican u boos qaadanaya. Balse wuxuu ka liitay dhameeys tirka. Goolal eaa dhalin karay.

Ibrahimovic 7

Brilliant finish! Ninkan Inaba caadi ma aheyn. Gool layaab leh ayuu dhaliyay. Waa Goolkiisii 20aad ee xilli ciyaareedkan waana 35 jir. Cajiib!

Bedel Kusoo Galay:

Blind, for Rojo, 46 mins, 6

Fellaini, for Mata, 77 mins

Young, for Rashford, 83 mins

Comments

comments

Leave a Reply