Qiimeynta Xidigaha Liverpool Kulnakii KCOM Stadium Lagusoo Dibtay Caawa, Kumaa Ugu Liiitay?

Kooxda Liverpool ayaa caawa shaarubaha dhulka loogu xiray akdib kulan 2:0 lagu muquunihay oo ka dhacay KCOM Stadium.

Haatana kooxda.com ayaa idiin soo tabin xubintii xiisaha badneyd ee qiimeynta ciyaartoyda.

Mignolet -5 Wuxuu khalad kulahaa goolka hore ee Hull City balse wuxuu sidoo kalebadbadin cajiib ah ka sameeyay fymursadii Hernandez.

Clyne – 6 fiican ayuu u weerartamay daafacashan kuma yareyn.

Lucas – 6 Qeybtii hore ee ciyaarta wuxuu ahaa mid liita lkn qeybtii danbe ayuu ismuujiyay.

Matip – 6 Wuu wanaagsanaa wuuna dadaalay balse wuxuu awoodi waayay inuu goolasha kooxdiisa ka celiyo

Milner – 5 Caawa habeenkiisa ma aheyn. Ma aheyn heerkii lagu yaqaanay.

Henderson – 7 Wuxuu ahaa ninka khadka dhexe sida weyn ugu halgamay. Nasiib uma uusan yeelan inuu gool dhaliyo waxaana badbaadin cajiib ah ka sameeyya goolhayaha.

Can – 6 Ma uusan ilaa xad liidan balse waxaa fiicneyd in Wijnaldum kusoo bilowdo.

Mane – 7 Wuxuu halis joogta ah ku hayay goosha Hull City balse badbaadin fiican ayaa laga sameebayay.

Lallana – 6 Wuu iska fiicnaa wuxuuna isku dayay inuu kooxdiisa caawiyo.

Coutinho – 5 Caawa xagee joogay? Fursadihiisa wuu khasaarinayay mana aheyn Coutinho-hii la yaqaanay.

Firmino – 6 Kubad fiican ayuu ciyaarayay balse fursadihiisa ma dhameeys tirneen.

Besel Kusoo Galay:

Sturridge (Can 67mins) 5

Origi (Lallana 83mins)

Moreno (Milner 83mins).

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.