PSG Oo Dunida Tustay In Barcelona La Xasquuqi Karo , 4 Gool Ayay Ku Soo Ciqaabeen Xilli Hal Lug Ay La Galeen Wareegga 8-da Champion-ka

PSG ayaa ciyaarta ku biloowday qaab dar dar leh waxa ayna biloowgii laga filan karay goolal

Barcelona waxaa laga haystay qadka dhexe waxaana ku yaraa dhaq dhaqaaqa iyaga oo qaban waayay Di Maria

Goolka1-aad ee PSG ayaa yimid daqiiqaddii 18-aad waxaana Free Kick ku dhaliyay Di Maria

Ka dib goolkaas Barcelona kubado dhowr ayaa lagu halis giliyay waa ayna u nugalayeen gool labaad iyadoo guud ahaan ciyaartooyada Barca ahaayeen maqane jooge marka laga yimaado Neymar mooyee .

Daqiiqaddii 25-aad Messi ayay kubad kaga dhacday birta balse qeybtaas hore waxaa la dhihi karaa Barcelona waxa ay soo bandhigeen heer ciyaareedkoodii ugu liitay

Xilli la filayay in nasiinada lagu aado goolkaas ayaa waxaa Barcelona ku keenay gool labaad saxiixa cusub PSG ee Julian Draxler

Soo laabashadii Barcelona waxa ay isku dayayeen in kubadda fur furaan balse PSG waa diideen waxaana ka go`naa gool sedexaad iyo afraad

PSG kubad lagu raaxeysto ayay soo bandhigeen waa ayna ka gacan sareeyeen Barcelona waxa uuna kacdoonka PSG keen gool 3-aad waxaasi xarago qadka rigoorada banaankeeda kubad uu ka qajafeeyay ka dhaliyay Di Maria daqiiqaddii 55-aad

Barcelona kulankaan waa isku dhex yaacsanayeen waxa ayna PSG ka dib goolkaas cuneen mid afaraad halka daafac ahaan ay si weyn uga hortagayeenin Barac helaan xittaa hal gool.
Barcelona badalkoodii ugu horeeyay waxa ay sameeyeen daqiiqaddii 58-aad xilligaas oo ay soo giliyeen Rafinha waxaana loo badalay André Gomes

Daqiiqadii 68-aad PSG waxa ay badaleen oo dhaawac looga saaray ciyaarta qadkooda dhexe reer Italy ee Verrati halka daqiiqaddii 60-aad ay horay u badaleen Di Maria iyaga oo soo giliyay Lucas Moura

Barcelona oo daafac ahaan liidatay ayaa lagu keenay gool 4-aad waxaana darbo gantaal aheyd ka dhaliyay Cavani daqiiqaddii 72-aad waxaan barceloan ku dhacay jahwareer waliab mid 5-aad ayay u nuglaayeen

Dhamaadkii Barcelona waxa ay isku dayayeen in ay kubaddafur furaan basle meel ay kubadda marsiiyaan ayay waayeen inkastii daiqiqadii 83-aad ay birta u diiday gool waxaana sidaas sameeyay Umtiti

Barcelona dhamaadkii goosha PSG waa ay tagayeen balse waa la hor taagnaa waxaana looga dhameeyay 4-taas gool oo ay PSG lug kula galeen wareegga 8-da Champipn-ka

Dhanka kale kulankii Borussia Dortmund iyo Benfica ayaa kooxda reer Jarmalwaxaalagu soo garaacay hal gooloo nadiif ah

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: