“Pogba Hooyadiisa Barbardhac Ayay Doonaysaa Balse Macquul Ma Ahan” Jose Mourinho Oo Khibradiisa Uga Faa’ideeyay Hooyada Dhashay Xiddigiisa Paul Pogba

Hooyada dhashay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United  Paul Pogba ayaa farriin ka heshay macallinka kooxda shayaadiiinta casas ee Jose Mouriho kaas oo u sheegay in labadeena inan midkood uu faraxsanaan doono midka kalena uu murugoon doon.

Paul Pogba and his mum face an emotional few days

Kooxda Manchester United ayaa caawa marti gelin doonta kooxda St Etienne kulanka lugta hore ee wareega 32-ka ee tartanka 32-ka Europe League kulanka ayaa intaasi kaweyn maadama ay iska hor imanayaan labada xiddig ee walaalaha ah ee Florentino Pogba iyo Paul Pogba.

Kulankaan ayaa sidoo kale kala qaybin doona Qoyska Pogba balse hooyada dhashay labadan xiddig ayaa doonaysa in wiilasheedu ay barbar dhac galaan si aanay u arkin midkood oo guul darraysay balse Mourinho ayaa khibradiisa ciyaareed uga faa’ideeyay isagona u shegay in aysan midaas macquul ahayn.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Paul Pogba's brothers Mathias (left) and Florentin played together during their youth careers

“Waxaan u wada hadalnay si wanaagsan, balse qosol leh ” ayuu Mourinho ku jawaabay mar la waydiiyay in uu la hadlay qoyska Pogba.

“Waxaan u malaynayaa in ay wax wanaagsan tahay balse Hoyada Pogba ayaa mushkilad yari haysataa taas oo dabiici ah.Waxa ku adag in ay doorasho samayso”

“Paul Pogba ayaa ii sheegay in hooyadiis ay doonayso barbardhac , balse todobadka kan ku xiga hal cunug ayaa faraxsanaan doona halka midka kalena uu murugoon doono”

“Waxay mushkilad ku noqon doontaa keliya hooyada , balse iyagu way raaxaysan doonaan, waxay ku faraxsanaan doonaan inay iska hor yimaadaan, Paul aad ayuu u xamaasadaysan yahay waanan hubaa in Florentino uu si lamid ah daremayo, midaasina waxay noqon doonta wax wanaagsan.”Ayuu Mourinho hadalkisa kusoo gabagabeeyay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: