Muxuu Tababare Mauricio Pochettino Ka Yidhi Wararka La Xidhiidhanaya Shaqada Kooxda Barcelona?

Macallinka kooxda Spurs ee Mauricio Pochettino ayaa u warramay ESPN isla markaana sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kooxdiisa Tottenham iyadoo ay jiraan warar la xidhiidhinaya shaqada kooxda Catalanka ee Barcelona.

Macallin Luis Enrique ayaa la filayaa in uusan kursiga maamulka kooxda Barcelona kusii fadhiyi doonin xilii ciyaaredka danbe kadib qaab ciyaareedka xun ee ay soo haatan soo bandhigayso kooxdiisa Barcelona oo lagu daray booska ay kooxdu kaga jirta kala sarraynta La Liga iyo karbaashkii PSG.

FBL-ENG-PR-SUNDERLAND-TOTTENHAM

Tiro macallimiin ah ayaa dhawaanahba lala xidhiidhinayey shaqada Blugrana waxanaa liiska tababarayaashaas kasoo muqday macallinka kooxda Everton Ronald Koeman iyo kan Sevilla Jorge Sampaoli ugu danbayna xanta ayaa isugu soo biyo shubatay macallinka reer Argentina.

“Waxba kama odhan karo midaas[ tababarida Barcelona]. waxaan ahay Tottenham. Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan haystaa 4 sano oo kale oo qandaraaskayga ka hadhay waanan ku raaxaysanayaa mashruucayga. Waa run ma aha mashruuc fudud balse waaan ku faraxsanahay in aan halkaan Joogo” ayuu Pochettino ku jawaabay mar la waydiiyay in uu ka fekerayo shaqada kooxda Barcelona.

Kooxda Tottenham ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda reer Belgium ee Genk kulanka lugta hore ee wareega 32-aad ee tartanaka Europe League.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: