Muxuu Marco Verratti Ka Yidhi Wararka Sheegaya In Uu Ka Baxaayo Kooxda Paris Saint-Germain?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ninka lagu magacaabo Marco Verratti ayaa  ku gacan saydhay wararka uu dhawaan wakiilkiisu ka dhawaajiyay ka hor kulankii ay xalay karbaasheen kooxda Barcelona.

Paris Saint-Germain midfielder Marco Verratti

Donato Di Campli oo ah wakiilka xiddigan ayaa salaasadii kooxda PSG uga digay in Verratti uu kooxda ka tegi doono hadii PSG aysan ku guulaysan Champions League-ga Marco ayaase midaas waxba kama jiraan ku tilmaamay isla markaana sheegay in uusan League 1 ka tegi doonin.

“Waan ku faraxsanahay in aan soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn, Balse ma doonayo in aan is bedelo” ayuu 26 jirkaan u sheegay Mediaset Premium kadib kulankii xalay.

“Waxaan qayb ka ahay mashruuc aad u weyn waxaana doonaynaa in aan ka mid noqono saddexda kooxood ee ugu sarreeya Yurub” ayuu Marco hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Marco Verratti ayaa heshiis cusub saxiixay bishii August waxaana uu xilli ciyaareedkaan kooxdiisa u saftay 17 kulan oo League 1 ah iyo 6 kulan oo Champions League ah oo uu ku jiro kulankii ay balanbalsadeen kooxda Blaugrana.

 

Comments

comments

Leave a Reply