Messi Oo Tababare Cusub U Soo Wada Kooxda Barcelona ,Wadahadallo Ayuuba La Yeeshay

Tababare Luis Enrique ayaa aad looga badinayaa in uu kooxda Barcelona ka huleelayo marka xili ciyaareedka uu dhamaado maadaama kooxda natiijooyin liita soo bandhigeen gaar ahaan ceebtii kulankii Champion-ka ee PSG .

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Messi uu doonayo in kooxda uu dib ugu soo laabto macalinkii hore kooxdaas ee haatan haya Man City ee Pep Guardiola

Waxa uu Messi uu ku doodayaa in Pep uu awood u leeyahay in uu hagaajiyo qaladaadka kooxdaas ka dhisan qalcadda Camp Nou

Wargeyskaas ayaa sheegaya in Messi uu wadahadallo la yeeshay macalinka uuna ka codsaday in uu kooxda dib ugu soo laabto

Dhowr macalin kale ayaa shaqada Barca lala xariirnayaa waxaana ku jira macalinka kooxda Everton ee Ronald Koeman iyo kan Atletico Bilbao ee Ernesto Valverde

Waxa ay kooxda dot com xuseysaa in Pep uu Barcelona soo maamulayay inta u dhaxeysay 2008-iyo 2011-kii ka dib waxa uu uga wareegay Munich oo xilli ciyaareedkii hore kaga sii wareegay kooxda Man City

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: