Maxuu Oradyahanka Somaliyed Ee Mo Farah Waliba Taageera Arsenal Ah Uu Ka Yiri Mustaqbalka Wenger Ee Kooxda , Miyuu Taageersan Yahay In Fasaxo ?.

Tababare Wenger ayaa loo bidinayaa in uu kooxdaas ka huleelayo marka xilli ciyaareedka uu dhamaado ka dib ceebtii kulankii Munich ee Champion-ka

Hihsiiska macalinkaas ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxaana la xusayaa in Arsenal ay haatan wadahadallo kula jiraan macalinka Juventus ee Allegri

Haatan,Oradyanka Somaliyed balse haysta dhalashada Ingiriiska ee Moh Farah ayaa xusay in Wenger yahay macalinka ugu fiican dunida ayna haboon tahay in kooxda uu u saxiixo hishiis cusub

” Yaan la eegin xaaladda haatan lagu jiro,Wenger wax badan ayuu kooxda u soo qabtay” ayuu Mo Farah ka yiri BBC Sport

” Ma doonayo in uu baxo fikrad ahaanteyda waxaan doonayaa in aan arko isaga oo kooxda wax badan la jooga ,waana run natiijadii Munich aad ayay u xanuun badneyd balse wuu garanayaa Wenger sida looga soo kabsado”ayuu sii raaciyay Mo Farah

Wenger ayaa maanta sheegay in weli uusan qaadan go`aanka la xariira mustaqbalkisa Arsenal ee ah in uu baxayo iyo in uu sii joogayo balse taasi ay kala cadaaneyso dhamaadka March ilaa April ee sanadkaan2017-ka

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.