Maxaad Ka Ogtahay Kooxdii Arsenal Ee Ugu Danbaysay Kuwaasi Oo Wareega 16ka UCL Dhaafa? Ileyn Todobo Sano Wareegan Kama Aysan Gudbin Ciddu!

Kooxda Arsenal ayaa caadeysatay beryahan danbe in lagu reebo wareega 16ka ee Champions League mana aysan u gudbi jirin wareega sideed dhamaadka ee tartankan.

The Gunners ayaa wareega 16ka waxay ku aaday dhigeeda Bayer Munich waxeyna caawa u safreen Alianz Arena si ay usoo ciyaaraan kulan ka tirsan lugta 1aad ee wareega 16ka.

Inta badan dadku waxay maanka ku hayaan in sanadkan ay Arsenal mar kale la kulantay nasiib xumo maadaama ay ku aaday kooxda Bayer Munich oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub.

Hadaba Kooxd.com ayaa u kuur gashay inay soo ogaato wakhtigii ugu danbeeyay iyo waliba xidigaha kooxdii ugu danbaysay ee Arsenal kuwaasi oo u gudba wareega sideed dhamaadka Champions League.

Kooxda Ardrnal sanadkii ugu danbeeyay ee ay ka gudubto wareega 16ka Champions League isla markaana u gudubto wareega sideed dhamaadka waxay aheyd sanadkii 2010kii.  Sanadkaasi waxay ku aadeen kooxda FC Porto. Lugtii 1aad waxaa lagusoo ciyaaray Portugal waxaana 2:1 loogu awood sheegtay Arsenal. Lugtii labaad ayaa Eirates la yimid waxayna guusu 5:0 ku raacday Gunners.

Yaa Kamid aha kooxdaasi?

 

Lugtii Koowaad Waxay Dhacday 17kii bishii Febraayo 2010kii Waxaana labadan kooxood safka koowaad ee garoonka usoo galay:

Porto: Helton, Bruno Alves, Fucile, Rolando, Pereira, Raul Meireles (Costa), Fernando, Ruben Micael (Belluschi), Falcao, Hulk (Gonzalez), Varela

Arsenal: Fabianski, Sagna, Vermaelen, Clichy, Campbell, Diaby, Fabregas, Rosicky (Walcott), Nasri (Eboue), Denilson, Bendtner (Vela)

Lugtii Labaad – March 9, 2010 garoonka Emirates Stadium

Arsenal: Almunia, Sagna, Vermaelen, Clichy, Campbell, Diaby, Rosicky (Eboue), Nasri (Denilson), Song, Arshavin (Walcott), Bendtner

Porto: Helton, Bruno Alves, Fucile, Rolando, Pereira, Coelho (Rodriguez), Raul Meireles, Ruben Micael (Guarin), Garcia, Hulk, Varela (Gonzalez)

Lugta abaad shanta gool waxaa u kaa dhaliyay Bendter(Sadexleey), Eboue, iyo Nasri.

Comments

comments

Leave a Reply