Madaxweynaha Kooxda Real Madrid Florentino Pérez Oo Doonaya In Uu Isaga Tago Real Madrid+Sababta

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Pérez ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casili doono booska uu ka hayo kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in Pérez uu ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid sababo shaqsiyadeed laakiin dhibaatada ayaa ah in aanu helayn cid badal u noqota oo dhamaystirta mashruuca uu kooxda ka hayo.

Florentino Pérez ayaa lagu soo waramayaa in uu shaqada balaadhinta garoonka Santiago Bernabéu Stadium u helay cid uu ku aaminay isaga oo sidoo kale haatan raadinaya cid uu kaga tago madaxweynanimada kooxda boqortooyda.

Waxa Xusid mudan in Madaxweyne Florentino Pérez uu la wareegay maamulida kooxda Real Madrid sanadkii 2000 isaga oo ayay ilaa 2006 laakiin waxa mar kale dib loo doortay sanadkii 2009 ilaa haatana waa uu hayaa xilkaas.

Aragtidaada Waad Ku DhiibanKartaa Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: