Lucas Pérez Oo Go`aansaday In Uu Ka Huleelo Arsenal ,Hal Arin Ayaana U Sabab Ah

Weeraryahanka Arsenal ee Lucas Pérez ayaa niyad jab ku dareemaya qalcadda Emirat maadaama xilli ciyaareedkaan ku rajo dhigay in qaab asaasi ah u safto kulamada kooxda

Arsenal kulankoodii habeenkii talaadada Champion-ka waxa ay la soo kulmeen guul darro 5/1 balse laacibka kulankaas waa uu maqnaa maadaama dhaawac yar oo jilibka ah uu ka sheeganayay

Goal.com ayaa sheegeysa in laacibkaas reer Spain uu diyaar buuxa u yahay in xagaaga uu ka huleelo Arsenal

Sababta keeneysa in uu baxo ayaa ah laacibka uu doonayo in uu joogto u ciyaaro si qarankiisa Spain uu kala qeyb galo koobka aduunka ee 2018-da lagu qabanayo Russia

Inkastoo laacibkaas Arsneal ugu yimid 17.5 milyan oo gini hadana tababare Wenger uma aha dooq uu ku tiirsan yahay

Laacibkaas 28 sano jirka ah ayaa illaa haatan Arsenal u dhaliyay 8 gool oo ku yimid 17 kullan

Share on Facebook

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.