“La’aantiis Ma Aanan Ahaadeen Xiddiga Aan Maanta Ahay” Antonio Griezmann Oo Ka Sheekeeyay Abaalka Uu U Hayo Macallin Diego Simeone.

Weeraryahanka reer France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antonio Griezmann ayaa sheegay in uusan ahaadeen ciyaaryahank uu maanta yahay macallin Simeone la’aantiis isagoona sheegay in uu macallinkaan abaal ugu hayo in uu ka dhigay mid ka mid ah weerar yahanada ugu fiican aduunka.

25 jirkaan ayaa 2014 kii kasoo dhaqaaqay kooxda Real Sociedad isagoona amaanta Vicent Calderon si qunyar qunyar ah uga dhaxlay magacyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Diego Costa iyo Radamel Falcao.

Man Utd target Griezmann admits Simeone has made him one of the world's best

Griezmann ayaa sannadki ina dhaafay loogu codeeyay inuu yahay xiddiga saddexaad ee ugu fiican caalamka isagoona qaranka France iyio Kooxdiisa Madrid-ba ku hogaamiyay kama danbysta tartamada Euro iyo Champions League isla markaana ku guulaystay gooldhaliyihi ugu Sareeyay iyo xiddigii tartankii Euro 2016. Griezmann ayaana abaalkas u haya Macallin Simeone.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“Isaga ayaa i bedelay. Waxa uu i baray waxyaabo badan oo kubada cagta ku saabsan kuwaas ay xataa igu adkaatay inaan fahmo waxa ay yihiin” ayuu Griezzy u sheegay webka rasmiga ah ee FIFA.

Diego Simeone Atletico Madrid Barcelona Copa del Rey

“Aan idhaahdo keliya, la iima qadariyeen sida maanta la ii qadariyo hadii aanu ahaan lahayn isaga ahaan lahayn mana aaanan ahaadeen xiddiga aan maanta ahay”

“in ka badan qof kasta waxa uu iga aawiyay in aan saamayn ku yeesho goolka hortiisa, Inaan fursad walba uga ka faa’idaysto sida ay tahay iyo sidoo kale inaan ordo hadana aan ordo isla markaana aan si adag ugu shaqeeyo kooxda. Kuma soo baxaysid Atletico hadii aadan midaas samaynin” ayuu Antonio Hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Antonio Griezmann ayaa la filayaa in uu heshiis rikoor aduun ah xagaaga inagu soo aadan ugu soo birro kooxda Manchester United isla markaana uu la midoobo saaxiibkiis Pogba oo haatan isagu ah xiddiga ugu qaalisan kubadda cagta.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: